Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Jerome Boateng Oo Iskoor Cusub Ee Dhanka Guuldaro La’aanta Ka Dhigay Bundesligaha Jarmalka

Rasmi: Jerome Boateng Oo Iskoor Cusub Ee Dhanka Guuldaro La’aanta Ka Dhigay Bundesligaha Jarmalka


Boateng

Xiriira kubada cagta Jarmalka ayaa shaaca ka qaadeen in daafaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng uu todobaadkan iskoor cusub u dhigay Bundesligaha marka laga hadlaayo iskoorka guuldaro la’aanta.

Daafacan ayaa todobaadkan kooxdiisa Bayern u saftay kulankiisii 50-aad asigoon wax guul daro ah la kulmin wuxuuna iskoorkan kala wareegay Franck Ribery oo horey isaga 49-kulan aan laga badinin asioo xiran maaliyada Bayern Munich.

Boateng wuxuu iskoorkan dhigay kulankii todobaadkan Bayern 4-0 ku suul daartay Eintracht Frankfurt, daafacan awooda badan waxaa ugu dambeesay guuldaro uu kala kulmo Bundesligaha Jarmalka October 2012 habeen Bayern guuldaro kala kulantay naadiga Bayer Leverkusen!

Xili cayaareedkii hore kooxda uu Pep Guardiola hogaamiyo kalia labo guuldaro ayay dhamaadkii Bundesligaha kala kulantay kooxaha Augsburg iyo Borussia Dortmund balse labadaas kulan ma uusan cayaarin Boateng sidaa darteed daafacan iskoor cusub ayuu horyaalka Jarmalka dhanka guuldaro la’aanta u dhigay.

Boateng waxaa kusoo xigaan dhanka iskoorka guuldaro la’aanta Franck Ribery oo aan laga badanin 49-kulan oo xariir ah asigoo maaliyada Bayern xiran iyo goolhaye Manuel Neuer oo isagana 48-kulan laga badinin Bundesligaha Jarmalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>