Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa si rasmi ah u magacaabay xidigaha xulkan u matali doonaan kulamada isreeb reebka Euro 2016 iyo midka saaxiibtinimo oo uu xulkan cayaari doon todobaadka dambe.
Sidii la filaayay Marco Reus iyo Sami Khedira ayaa dib ugu soo laabteen xulkan madaama labadan xidig ay dhaawac kaga maqnaayeen kulamadii ay bishii hore Jarmalka cayaareen.
Sidoo kale daafaca kooxda FC Koln Jonas Hector ayaa markii ugu horeesay xulka Jarmalka loogu yeeray wuxuuna xidigan ku rajo weyn yahay inuu markii ugu horeesay maaliyada xulk Jarmalka xirto.
Xulka Jarmalka waxay 14-ka bishan la cayaari doonaan xulka Gibraltar halka 4-maalin kadib ay kulan saaxiibtinimo isku haleeli doonaan xulka Spain wuxuuna kulanka dhici doonaa magaalada Celta Vigo ee dalka Spain.
Guud ahaan hoos kaga bogo tababare Low xidigaha uu xulka Jarmalka u magacaabay:
Goolhaye: Manuel Neuer (Bayern Munich), Roman Weidenfeller (Borussia Dortmund), Ron-Robert Zieler (Hannover)
Daafaca: Jerome Boateng (Bayern Munich), Erik Durm (Borussia Dortmund), Matthias Ginter (Borussia Dortmund), Jonas Hector (Koln), Benedikt Howedes (Schalke), Shkodran Mustafi (Valencia), Antonio Rudiger (Stuttgart), Sebastian Rudy (Hoffenheim)
Khadka dhexe: Karim Bellarabi (Bayer Leverkusen), Lars Bender (Bayer Leverkusen), Sami Khedira (Real Madrid), Christoph Kramer (Borussia Monchengladbach), Toni Kroos (Real Madrid), Thomas Muller (Bayern Munich), Marco Reus (Borussia Dortmund), Lukas Podolski (Arsenal), Andre Schurrle (Chelsea), Mario Gotze (Bayern Munich)
Weerarka: Max Kruse (Borussia Monchengladbach), Kevin Volland (Hoffenheim)