Home » Horyaalada » Bundesliga » Roberto Di Matteo “Aargudasho Maxaan Ku Falaa Marba Hadii Aan Taariikhda Chelsea Baal Dahad Ag Kaga Jiro”

Roberto Di Matteo “Aargudasho Maxaan Ku Falaa Marba Hadii Aan Taariikhda Chelsea Baal Dahad Ag Kaga Jiro”


roberto-dimatteo_2244367b

Macalin Roberto Di Matteo ayaa iska fogeeyay in caawo qorshihiisa uu yahay inuu ka aarguto kooxdiisii hore Chelsea.

Macalinka reer Talyaani haatan waqti wanaagsan wuxuu la qaadanayaa kooxda Schalke oo dhamaan wada guuleesatay kulamada ay garoonkeeda ku cayaartay tan iyo markii uu hogaanka kooxdan la wareegay wuxuuna caawo garoonka Veltins Arena ku qaabili doonaa Chelsea.

Saxaafada qaar ayaa weediisay in qorshiisa uu yahay inuu Chelsea ka aarguto madaama tababarahan asigoo Blues u qaaday koobka horyaalada Yurub hadana shaqada kooxdan laga racadeeyay.

“Daacad ahaantii waxaan ahay shaqsi fiiriyo waxa ka horeeyo ee dib uma eeko wixii laga soo gudbay”

“Waqti badan oo nolosheyda ah ayaan Chelsea kusoo qaatay sidoo kalena weli waxaan xiriir la leeyahay dad badan oo Chelsea weli ku sugan cayaartooy iyo maamulba”

“Sidaa darteed aargudasho maxaan ku falaa marba hadii aan taariikhda Chelsea baal dahab kaga jiro”

Macalinkan ayaa doonayo inuu caawo kooxdiisa Schalke wareega 16-aad usoo saaro wuxuuna yiri “Kulanka  caawo muhiim ayuu inoo yahay waxaana diirada saari doonaa sidii aay guusha ku qaadan laheyn midaas oo naga caawin karto inaan wareea 16-aad u gudubno”

“Qof walbo ayaa og in Chelsea guusha loo sadaalinaayo balse waxaan dooneynaa inaan si adag u shaqeyno si aan kaga guuleesano Chelsea oo haatan ka mid ah kooxaha ugu awooda badan caalamka”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>