Cristiano Ronaldo todobaadkan waxaa u suura gashay inuu dhaliyo goolkiisii 20-aad La Ligaha Spain asigoo cayaaray 12-kulan oo qura wuxuuna horyaalka Spain ka dhigay iskoor cusub madaama aan horey loo arag xidig 12-kulan 20-gool ku dhaliyo.
Balse sheekada intaa kuma eko waayo Ronaldo wuxuu ka goolal badan yahay ilaa haatan 8-naadi oo qaarada Yurub siweyn looga qadariyo.
Kooxahan awooda badan waxay ilaa haatan horyaalada kala duwan oo ay ka tirsan yihiin ka dhaliyeen goola ka yar inta uu Ronaldo kaligiis La Ligaha Spain ka dhaliyay.
Hadaba hoos kaga bogo 8-koox iyo naadi walbo goolasha ay dhalisay:
8) Borussia Dortmund – 14 gool ayay Bundesligaha Jarmalka ka dhalisay.
7) Liverpool – 15 gool ayay Premiership-ka England ka dhalisay.
6) Tottenham Hotspur – 16 gool ayay Premiership-ka England ka dhalisay.
5) Schalke – 17 gool ayay Bundesligaha Jarmalka ka dhalisay.
4) AS Monaco – 17 gool ayay Ligue 1 France ka dhalisay
3) Inter Milan – 18 gool ayay Serie A-da Talyaaniga ka dhalisay
2) Feyenoord – 19 gool ayay Eredivise Holland ka dhalisay
1) Manchester United – 19 gool ayay Premiership-ka England ka dhalisay.