Home » Euro 2016 » Tababare Del Bosque Oo Ku Goodiyay In Cesc & Costa Hada Kadib Boos Rasmi Ah Ka Heli Doonin Xulka Spain

Tababare Del Bosque Oo Ku Goodiyay In Cesc & Costa Hada Kadib Boos Rasmi Ah Ka Heli Doonin Xulka Spain


article-2837892-233F974D00000578-257_636x432

Tababaraha xulka Spain Vicente Del Bosque ayaa xusay inuu kalsoonida kala laabtay labada xidig ee kooxda Chelseka tirsan Diego Costa iyo Cesc Fabregas.

Wuxuuna macalinkan ka dhawaajiyay in Cesc iyo Costa hada kadib uusan u balan qaadi karin boos joogto ah dhanka xulka Spain marka ay dib ugu soo laabtan xulka La Roja lagu naaneeso.

Diego Costa dhaawac fasax gaaban ayaa la siiyay mana ka mid ahan xidigaha xulka Spain u matalaayo kulanka ay caawo Jarmalka la cayaari doonaan sidoo kalena Cesc isagana dhaawac ayuu xulkan kaga maqan yahay.

Balse macalin Del Bosque ayaa aad u dhibsaday dooda iyo muranka uu ku haayo maalin walbo Jose Mourinho oo marwalbo jecel in labadan xidig aysan xulka Spain u cayaarin sidaa darteed Del Bosque ayaa ka tashtay labadan xidig.

“Dabcan marka ay qaranka dib ugu soo laabtaan boos joogto ah uma haayo waayo xidigo kale ayaan booskooda ku aaminay”

“Ma ahan arin aan ku cabsi galinaayo ee waa xaqiiq boos joogto ah uma balan qaadi karo waayo xidigo haatan xulka daacad u ah marwalbana dadaal muujiyaan ayaa ka horeyn doonaan marka ay Cesc iyo Costa dib ugu soo laabtaan xulka!”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>