Liverpool ayaa wada qorshe ay kooxda Real Madrid kaga ceshaneyso da’yarkeeda Asal Jamaican-ka ah ee qaatay dhalashada Ingiriiska Raheem Sterling madam aya dooneyso iney ka saxiixdo heshiis cusub.
Raheem Sterling wuxuu isbuucii qaadan doonaa 100,000 Pound, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah da’yarta mushaaraadka fiican ka qaata horyaalka Ingiriiska, inkastoo heshiiskaan cusub ay Liverpool faa’iido badan ugu jirto madama ay xidigaan heshiiskiisa ka dhigi doonto in lagu jabin karo 60 Malyan Oo Pound.
Hadii heshiiskaan uu dhaqan galo waxey ka dhigan tahay in wax ka yar 60 Malyan uusan xidigaan kaga bixi karin garoonka Anfield Road inta uusan dhicin heshiiskiisa.
Mirror ayaa shaacisay warkaan, Branden Rodgers ayaana qorshaha keenay kaas oo xiiseynaya in xidigaan uu kusii nagaado garoonka Anfield Road.
Sterling wuxuu dhaliyay 3-gool, 16-kulan oo uu kooxda u saftay dhamaan tartamda oo dhan xili ciyaareedkaan.