Caaw magaalada Milan dadka ku nool labo ayay u kala qayb sami doonaan waxayna la kala safan doonaan kooxaha AC Milan iyo Inter Milan.
Derby della Madonnina ayaa kulankan loogu magic daray madaama uu qaas u yahay labada koox ee ugu guulaha badan magaalada Milan.
Tababare Pippo Inzaghi caawo markii ugu horeesay asigoo macalin ah ayuu waaya aragnimo cusub ka kasban doonaa kulankan halka Robreto Mancini uu kusoo hana qaaday Derby della Madonnina sidoo kalena sanado badan Inter kulankan adag leyliyay.
Hadaba waxaan idiin heynaa macluumaad taariikhi ah oo ku saabsan Derby della Madonnina fadlan hoos kaga bogo:
Labadan koox waxay markii ugu horeesay wada cayaareen 18 October 1908, dabcan kulankan taariikhiga ah xifaaltankiisa waa mid mar hore 100-sano jirsaday ilaa haatana waa mid socdo.
Labadan naadi guud waxay kulmeen 212-kulan oo heer caalami ah, Inter Milan ayaa guuleesatay 76-kulan halka AC Milan ay dhankeeda badisay 74-kulan sidoo kalena 62-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen. Inter dhigeeda 290-gool ayay ka dhalisay halka Milan ay iyadana dhigeeda ka dhalisay 286-gool.
Marka laga hadlaayo horyaalka Talyaaniga oo kaliya waxay labadan naadi kulmeen 182-kulan, waxayna Inter Milan guuleesatay 68-kulan halka AC Milan ay guuleesatay 61-kulan waxayna bar bar dhac ku kala baxeen 53-kulan.
Laacibka ugu safashada badan Derby della Madonnina waa halyee Paolo Maldini kaasi oo cayaaray 57-kulan.
Xidiga ugu goolasha badan ka dhaliyay Derby della Madonnina waa halyee Andriy Shevchenko 14-gool oo kala ah 11-gool Serie A-da iyo 3-gool koobka horyaalada Yurub.
Guulihii Ugu Weynaa Oo Ay Labadan Naadi Kala Helaan:
Milan:
Milan 6–3 Inter: 30 April 1911 in Serie A
Milan 8–0 Inter: 27 March 1960 in Serie A
Milan 4–2 Inter: 26 June 1968 in Coppa Italia
Milan 5–0 Inter: 8 January 1998 in Coppa Italia
Inter 0–6 Milan: 11 May 2001 in Serie A
Inter 2–4 Milan: 21 October 2001 in Serie A
Inter:
Milan 0–5 Inter: 2 February 1910 in Serie A
Inter 5–1 Milan: 17 February 1910 in Serie A
Inter 5–2 Milan: 22 February 1914 in Serie A
Milan 1–4 Inter: 19 March 1931 in Serie A
Inter 5–2 Milan: 28 March 1965 in Serie A
Inter 4–0 Milan: 2 April 1967 in Serie A
Milan 1–5 Inter: 24 March 1974 in Serie A
Milan 0–4 Inter: 29 August 2009 in Serie A
Inter 4–2 Milan: 6 May 2012 in Serie A
Koobabka Ay Qaadeen Labadan Naadi:
Tartan | AC Milan | Inter Milan |
Serie A | 18 | 18 |
Copa Italia | 5 | 7 |
Super Copa Italiana | 6 | 5 |
European Cup/Champions League | 7 | 3 |
Cup Winners’ Cup | 2 | 0 |
UEFA Cup/UEFA Cup | 0 | 3 |
European Super Cup | 5 | 0 |
Club World Cup/Intercontinental | 4 | 3 |
Tirada Guud | 47 | 39 |