Kabtanka kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagi doono kooxda Barca marka uu dhamaado xagaagan isla markaana uu ku biiri doono kooxda Al-Sadd ee dalka Qatar.
Xavi Herandnez ayaa soo afjaraya 24-sano oo uu ka mid ahaa kooxda Barcelona, madama uu kooxdaan kusoo biiray isagoo 11-jir ah sanadii 1991-dii.
Xavi Hernandez wuxuu kula guuleystay Spain koobka Aduunka hal jeer, European Championship laba jeer, sidoo kalana Barcelona ayuu kula guuleystay 23-koob oo caalami ah oo ay ku jiraan 3-Champions League iyo sideed horyaal oo La Liga ah.
“Waxaan jeclahay inaan ku dhawaaqo ka tagitaanka Barcelona marka uu dhamaado xagaagan” Ayuu Xavi Hernandez ku yiri shirkiisa jaraa’id.
“Waxaan kooxda ku sugnaa ku dhawaad 25-sano, balse waxaa la jogaa waqtigii aan isaga hayaami lahaa, waxaan u socdaalayaa dalka Qatar gaar ahaan kooxda Al-Sadd” Ayuu hadalkiisa ku daray Xavi.
Sidoo kale Xavi Heranndez ayaa qiray inuu sidoo kale qaban doono howlo tababar ah uu ka sameynayo xerada ay ciyaartoyda ku barbaariyaan kooxda Al-Sadd iyo sidoo kale inuu mustaqbalka kooxdas u noqon doono agaasime ciyaareed.
Dhanka kale Xavi Hernandez ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inuu rajeynayo inuu maalin uun kusoo laabto Barcelona isagoo xubin ka noqonaya kooxda.