Kubad sameeyaha naadiga Arsenal Aaron Ramsey asigoo dalxiis ku jiro ayuu dagaal dhanka maskaxda ah ku qaaday naadiga Chelsea oo xili cayaareedkii dhawaa ku guuleesatay horyaalka England.
Aaron Ramsey ayaa ku tilmaamay Chelsea naadi aan cayaarin kubad aan lagu raaxeesan karin sidoo kalena xusay in Arsenal ay tahay naadi kubadeeda lagu raaxeesan karo marka ay cayaareyso.
Aaron Ramsey wuxuu yiri “Arsenal haatan jidaha saxda ah ayay ku socotaa waxaan sameenay hormar weyn labadii sano ee ugu dambeesay”
“Sidoo kalena kooxaha oo dhan waxaan tusnay inan goolal badan dhalin karno sidoo kalena aan kubada heesan karno intii aan awoodno”
“Waa muhiim in taageerayaasha garoonka usoo daawasho tageen inaan qancino waxayna Arsenal cayaartaa kubad lagu raaxeesan karo”
“Kooxaha London kubad qurxoon ma cayaaraan gaar ahaan Chelsea kubada ay cayaarto waa mid aan lagu raaxeesan karin”
“Inkastoo Blues ay horyaalka England qaadeen hadana ma ahan naadi soo jiidasho leh oo taageerayaasha garoonka soo galaan qancin karto”
Hadaba Aaron Ramsey kasoo yeeray waa mid jawaab mudan waxaana looga fadhiyaa Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea waxa ay ka dhihi doonaan dagaalka uu Ramsey kusoo qaaday.