Argentina ayaa xasuuqday Bolivia kulan saaxiibtinimo oo ay ciyaareen xalayto iyadoo hogaamiyaha Argentina ee xalay uu ahaa Angel Di Maria.
Sergio Aguero ayaa sadexley dhaliyay halka Di Maria uu isna laba jeer shabaqa taabtay waxeyna wiilasha Tata Martino ku jiraan tijaabooyin ay isugu diyaarinayaan Copa America oo dhawaan ka bilaaban doona dalka Chile.
Kabtanka Xulka Lionel Messi iyo Mashiinka Dhexe Javier Mascherano ayaan ka qeyb galin kulankaan kuwaas oo Barcelona u ciyaarayay xalayto kulankii finalka Koobka Horyaalada Yurub ee ay qaadeen waxeyna wiilasha Tata Martino muujiyeen awood sareysa.
Di Maria ayaa bilaabay bandhiga Argentina daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta, waxaana goolkii labaad oo ahaa rigoore ansaxiyay Sergio Aguero daqiiqadi 29-aad ee ciyaarta.
Sergio Aguero ayaa isku xijiyay laba gool daqiiqadihii 31-aad ee qeybta hore iyo qeybtii labaad daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta isagoo dhameystiray sadexley, Di Maria ayaana daqiiqadii 55-aad soo xiray bandhiga goolasha Argentina ee kulankii xalay.
Sidoo kale Javier Pastore iyo Lavezzi ayaa qeyb ka ahaa wiilashii Argentina ee xalay wacdaraha dhigay waxeyna markaan diyaar u yahiin Copa America.