Home » Maxaa Cusub » Alexis Sanchez Oo Gaaray Darajo Ay Hada Ka Hor Gaareen Shaqsiyaadk Kubada Cagta Maqaam Sare Ku Leh Sida Zidane Iyo Kuwo Kale

Alexis Sanchez Oo Gaaray Darajo Ay Hada Ka Hor Gaareen Shaqsiyaadk Kubada Cagta Maqaam Sare Ku Leh Sida Zidane Iyo Kuwo Kale


Alexis Sanchez

Inaba caadi ma ahan xili cayaareedka uu Alexis Sanchez la qaatay kooxdiisa Arsenal weliba xidigan asigoo ku cusub Premiership-ka England ayuu dhigay wacdaro aan caadi ahayn.

Hadaba Sanchez ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka xili cayaareedkooda ugu horeeyay naadi ay ku cusub yihiin ka dhex muuqdaan sidoo kalena bandhig wanaagsan sameeyaan.

Dabcan Sanchez Arsenal kaliya kama yaabin ee qaarada Yurub-na wuu ka yaabiyay madaama xili cayaareedkiisa kowaad uu la yimid wax qabad aad u sareeyo.

Hadaba xidiga reer Chile wuxuu ka mid noqday xidigaha naadi ku cusub kuwaa soo xili cayaareedkooda kowaad sameeyeen wacdaro aan la iloobi karin waxaana ka mid ah:

10) Jurgen Klinsmann (Tottenham Hotspur): xili cayaareedkii 1994/95 dalka England ayuu ka yaabiyay xidigan wuxuuna markiisii kowaad ka dhaliyay EPL 30-gool sidoo kalena laacibka ugu wanaagsna oo ay saxaafada iyo taageerayaasha bixiyaan ayaa la siiyay xili cayaareedkaas.

9) Robin van Persie (Manchester United): Marnaba ma iloobi karno in xili cayaareedkii 2012/13 asigoo Man United ku cusub inuu kooxdan u qaaday horyaalkeedii 20-aad!!

8) Diego Costa (Chelsea): Xidiga reer Spain isagana xili cayaareedkan asigoo Chelsea ku cusub ayuu dadaalkiisa ugu qaaday horyaalka England mudo 5-sano kadib.

7) Eric Cantona (Manchester United): Sanadii 1992 markii uu Man United yimid isla markiiba EPL ayuu u qaaday sidoo kalena kooxdan guusha ay maanta ku faanto isaga ayaa bilaabay!

6) Alexis Sanchez (Arsenal): Dhalin joogto, dadaal badan, la shaqeynta kooxdiisa iyo asluub wanaagiisa ayuu dalka England xili cayaareedkan ku qabsaday wuxuuna Arsenal u qaaday FA Cup-ka xili cayaareedkiisa kowaad.

5) Dwight Yorke (Manchester United): waaw xili cayaareedkii kowaad 1998/99 Man United sedex koob oo taariikhi ah ayuu la qaaday wuxuuna dhaliyay 29-gool dhamaan tartamada kala duwan.

4) Gareth Bale (Real Madrid): Bale wuu nasiib badan yahay xili cayaareedkiisii kowaad Champions League ayuu Real Madrid la qaaday sidoo kalena bandhig aad u wanaagsan ayuu sameeyay.

3) Sergio Aguero (Manchester City): Kun Aguero xili cayaareedkiisa kowaad ayuu saxaafada England isbaray wuxuu dhaliyay 23-gool sidoo kalena Man City horyaalka ayuu u qaaday weliba goolkii taariikhiga aha ee horyaalka City ku qaaday isaga ayaa ka dhaliyay kooxda QPR.

2) Zinedine Zidane (Real Madrid): taariikh gaar ah ayuu Zidane leeyahay waayo sanadkiisii kowaad Real Madrid Champion-ka ayuu lugtiisa ugu qaaday weliba goolkii ugu qurxanaa ee tartankan ayuu Leverkuse ka dhaliyay sanadii 2002!

1) Kenny Dalglish (Liverpool): Halyeegan marnaba Liverpool hoos uma dhigin xili cayaareedkiisii kowaad 31-gool ayuu dhaliyay wuxuuna u qaaday koobka Yurub sanadii 1997 ayuu Reds kusoo biiray.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>