Kubad sameeyaha xulka Argentina Angel Di Maria ee xili cayaareedkii dhawaa ku guul dareestay inuu la qabsado Premiership-ka England ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa cayaareed.
Inkastoo xidigan uu dalabyo kala duwan ka helay kooxaha Barcelona iyo PSG hadana Angel Di Maria wuxuu diyaar u yahay inuu dalabyadan iska diido.
Angel Di Maria ayaa ka door bidi doono codsiyada Barcelona iyo PSG inuu kooxdiisa Man United lasii joogo sidoo kalena uu booskiisa u dagaalamo.
Angel Di Maria oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Qorshaha iiguma jirto inaan xagaagan isbadal naadi sameeyo”
“Sidoo kale waxaan diyaar u noqon doonaa inaan kooxdeyda Man United ka dhex muuqdo una tartamo sidii aan boso joogto ah ku heli lahaa”
“Waxaan xasuustaa xiligii aan Madrid joogay inaan soo mara marxalad ay taageerayaasha igu ooriyaan waana kasoo gudbay”
“Sidaa darteed rajo wanaagsan ayaan ka qabaa inaan Man United wax badan ka caawin karo inkastoo xili cayaareedkii dhawaa aan dhibsaday kursiga keyda qaybihii dambe ee horyaaalka”
Di Maria xili cayaareedkii hore Man United waxay dhigeeda Real Madrid xidigan kaga soo iibsatay £59.7million balse wuxuu ku guul dareestay inuu kasoo dhalaalo lacagihii laga soo bixiyay.