Arda Turan oo ka tirsan kooxda Atletico Madrid ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda Chelsea, balse waxaa jira qorshe ay Manchester United dalab rasmi ah ka gudbineyso xidigan reer Turkey.
Kubad sameeyaha Atletico Madrid waxaa la filayaan inuu usoo dhaqaaqo Horyaalka Ingiriis aoo aad looga doonayo iyadoo sidoo kalana lala xiriirinayo kooxda Barcelona ee dalka Spain.
Bilowgii todobaadkii tagay ayey saxaafada Spain qoreen in Barcelona ay heshiis la gaartay Turan, balse xidigaan ayaa beeniyay warkaas isagoo sheegay in wararka ay qoreen warbaahinta ay tahay mid aan sax aheyn.
Cadena SER ayaa qortay iyana in Barcelona ay hoos u dhigtay xiisaha Arda Turan tan iyo ina laga gaarayo doorashada madaxtinimo ee kooxda oo dhaceysa 18-ka July.
Chelsea ayaa haatan ugu cad-cad sida la sheegayo helitaanka xidigaan madama uu qudhiisa doonayo, waxaana ku qalqaalinaya inuu yimaado Stamford Bridge Diego Costa oo ay saaxiibo dhaw ku ahaayeen Atletico Madrid.