Wargeska Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay haatan quud dareyneso inay lasoo wareegto labada xidig ee mataanaha ah Lars Bender iyo Sven Bender oo Bundesligaha Jarmalka ka wada cayaaraan.
Arsenal waxay dadaal xoogan ugu jirtaa inay xagaagan lasoo saxiixato xidigo khadka dhexe ku wanaagsan waxayna la xariirtay kooxda Dortmund sidii ay xagaagan kaga heli laheyd Sven Bender oo xirfadiisa tahay inuu kubada bu buriyo.
Lars Bender isagana mudo labo sano ayay Arsenal ku raad joogtay waxayna Arsenal fariimo kala duwan u dirtay naadiga Bayer Leverkusen ayadoo ku dooneyso 15-milyan oo pound.
Labadan wiil ee mataanaha ah waxay jiraan 26-sano waxayna doonayaan inay xagaagan isbadal sameeyaan madaama mid walbo uu doonayo inuu xagaaga dambe xulka Jarmalka kala qayb qaato tartanka Euro 2016.
Lars Bender ayaa ka cayaaro lambarka 8-aad waana xidig kubada hore u qaadi karo sidoo kalena raacistiisa wanaagsan tahay wuxuuna macalin Wenger doonayaa inuu labadan xidig lasoo wada saxiixdo si kooxdiisa dhibaatada dhanka khadka dhexe uga harto.