Warbixin la isku haleyn karo ee laga soo xigtay naadiga Lyon ayaa lagu sheegay in kooxdan ay dhigeeda Arsenal la xariirtay una soo bandhigtay inay iibsato weeraryahankeeda Alexandre Lacazette.
Sidoo kale Telegraph ayaa sheegay in Arsenal loo sheegay in 21-jirkan ay la saxiixan karto hadii ay bixiso £21m inta lagu guda jiro xagaagan suuqa Yurub furnaan doono.
Alexandre Lacazette ayaa ka mid ah weeraryahana ugu wanaagsan qaarada Yurub wuxuuna xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Lyon u dhaliyay 31-gool dhamaan tartamada kala duwan.
Arsenal wax talaabo ah ma qaadi doonto oo ay Alexandre Lacazette kala soo saxiixaneyso waxayna dooneysaa inay marka hore Theo Walcott heshiis cusub ka saxiixdo.
Telegraph ayaa sheegay hadii ay Arsenal ku guul dareesato inay Walcott qandaraas cusub ka saxiixo waxay si toos ah usoo iibsan doontaa Alexandre Lacazette xagaagan gudahiisa.
Inkastoo Arsenal ay heesato Olivier Giroud iyo Danny Welbeck hadana macalin Arsene Wenger wuxuu doonayaa inuu weeraryahan dheeraad ah xagaagan lasoo saxiixdo si uu xili cayaareedka dambe ugu tartamo hanashada horyaalka England.
Alexandre Lacazette iyo kooxdiisa Lyon ayaa heshiin waayeen madaama xidigan uu dalbaday £4.5m sanad walbo in la siiyo balse Lyon ayaan awoodin lacagahaas waana sababta ay kooxdan Arsenal ugu soo bandhigtay inay xidigan la saxiixato.