Kabtanka kooxda Arsena Mikel Arteta ayaa ugu dambeyntii kooxdiisa heshiis cusub u saxiixay xili la hadal haayay laacibkan waaya araga ah inuu garoonka Emirates isaga hayaami doono.
33-jirkan bilawgii bishii hore ayuu aqbalay inuu heshiis 12-bilood ah Arsenal u saxiixo balse si rasmi ah uma dhaqan galin arinkaas oo abuurtay shaki weyn in Arsenal uu isaga tagi doono.
Balse haatan si rasmi ah ayuu qalinka ugu duugay heshiiskii lagu wada balamay waxaana qorshahaas dhameeyay macalin Arsene Wenger oo doonayo in xili cayaareedka cusub uu Arteta kooxdiisa ka mid ahaado.
Xidiga ugu muhiimsan kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa la xaqiijiyay kulamada bilawga xili cayaareedka cusub inuu seegi doono.
Waayo Sanchez fasax sedex todobaad ah ayaa la siiyay kadib markii uu xulkiisa Chile tartanka Copa America kula guuleestay.
Macalin Wenger ayaa doonayo inuu Sanchez soo nasto sidaa darteed kulamada ugu horeeyo EPL xidigan kooxdiisa uma cayaari doono.
Midaas ayaa Arsenal ku qasbi doonto inay lasoo saxiixato weeraryahan tayo wanaagsan oo kooxdan ka caawin karo kulamada ugu horeeyo EPL inuu guulo gaarsiiyo.