Real Madrid ayaa si dhaqso leh usoo diiday dalab ay Manchester United ka gubisay daafacooda reer Spain kaas oo ahaa 35 Malyan Oo Pound, balse Majaladda AS ayaa shaacisay qiimaha ay macquulka tahay iney Madrid ku fasaxdo wiilkii hore Sevilla.
Real Madrid kuma dhagi doonto Ramos hadii Manchester United ay la timaado qiimo dhan 64 Malyan Oo Pound oo u dhiganta 90 Malyan Oo Euro waana qiimo waali ah in laga bixiyo daafac 29-jir ah.
Sidoo kale Man United waxey xidigaan u sheegtay iney sanadii siin doonto aduun dhan 7.8 Malyan oo Pound taasoo u dhaw laba laab qiimaha uu haatan sanadii ka qaado Madrid waana arinta ugu xoogan ee xidigaan ku riixeysa inuu ku faraxsanaan waayo joogitaanka Bernabeu.
Si kastaba Ramos wuxuu Madrid u sheegay iney go’aan cad ka siiyaan mustaqbalkiisa tan iyo 10-ka July markaas oo ay ku beegan tahay xiliga ay ciyaartoyda Madrid dib ugu soo labanayaan kooxda, waxeyna isku diyaarinayaan fasax ay ku aadaan China iyo Australia.
Ugu dambeyntii Madrid ayaan dooneyn iney ku fududaato mustaqbalka ciyaartoydeeda muhiimka ah xili macalin Rafael Benitez uu kooxda curdun ku yahay.