Wakiilka Sergio Ramos ayaa kooxda Man United magaalada London kula kulmay waxayna ka wada hadleen qaabkii uu xidigan Old Trafford ku imaan lahaa.
Shabakada AS ayaa sheegtay in Man United ay wakiilka Ramos u sheegtay inay xidigan sanad walbo diyaar ula tahay €12m waana labo lab lacagta uu haatan Real Madrid ka qaato.
Wakiilka Ramos ayaa dalabkan sare soo dhaweeyay wuxuuna ku wargaliyay Man United inay Real Madrid la xariiraan madaama Ramos qandaraaska Madrid uu kla joogo ka harsan yahay mudo 2-sano ah.
AS arinka intaas kagama harin waxay sheegtay in Man United ay isku diyaarineyso inay dhigeeda Real Madrid u gudbin doonto €30m iyo goolhaye David De Gae.
Waana qiimo aad u sareeyo kaasi oo sababi doono in Real Madrid ay si deg deg ah dalabka Man United u aqbasho.
AS ayaa ugu dambeyntii sheegtay in labadan naadi ay wada hadalo cusub amba qaadi doonaan maal maha nagu soo fool leh si De Gae uu Bernabue ku aado halka Ramos isagana Old Trafford ugu soo hayaamo.