Asamoah Gyan Oo Todobaad Walbo Ka Qaadan Doono Shanghai SIPG £227,000 Iyo Xidigaha Caalamka Ugu Mushaarka Badan
Waxaa Qoray: Mohamed Mohamuud Hassan ( mmx )
Taariikh: 8-July-2015

Weeraryahanka reer Ghana ayaa ka mid noqon doono xidigaha caalamka ugu mushaarka badan waayo Asamoah Gyan ayaa heshiis la gaaray naadiga reer China Shanghai SIPG wuxuuna si rasmi ah kaga mid noqon doonaa dhawaan.
Asamouh Gyan kooxdiisa Al Ain ee ka dhisan dalka Emirate-ka ayaa u ogolaatay inuu dalka China u dhaqaaqo wuxuuna kooxdiisa cusub todobaad walbo ka qaadan doonaa £227,000 waxayna u dhigantaa $350,000.
Hadana 29-jirkan kaalintee ayuu kaga jiraa xidigaha caalamka ugu mushaarka badan fadlan hoos kaga bogo:
- Cristiano Ronaldo, Real Madrid: wuxuu todobaad walbo qaataa £650,000
- Lionel Messi, FC Barcelona: wuxuu todobaad walbo qaataa £645,000
- Zlatan Ibrahimovic, PSG: wuxuu todobaad walbo qaataa £410,000
- Gareth Bale, Real Madrid: wuxuu todobaad walbo qaataa £320,000
- James Rodriguez, Real Madrid: wuxuu todobaad walbo qaataa £305,000
- Wayne Rooney, Manchester United: wuxuu todobaad walbo qaataa £250,000
- Robin van Persie, Manchester United: wuxuu todobaad walbo qaataa £250,000
- Sergio Aguero, Manchester City: wuxuu todobaad walbo qaataa £220,000
- Yaya Toure, Manchester City: wuxuu todobaad walbo qaataa £210,000
- Luis Suarez, FC Barcelona: wuxuu todobaad walbo qaataa £205,000
F.G: Xogtaan waxaan kasoo xiganay wargeska The Mirror ee cayaaraha ka faaloodoo.
Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan
Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan