Home » Maxaa Cusub » Branden Rodgers Muxuu Ka Yiri Wararka La Xiriirinayay Memphsi Depay Oo Ay Ku Guuleystay Saxiixiisa Man United

Branden Rodgers Muxuu Ka Yiri Wararka La Xiriirinayay Memphsi Depay Oo Ay Ku Guuleystay Saxiixiisa Man United


RodgersMacalinka Liverpool Branden Rodgers ayaa inkiray in kooxdisia ay xiiso u qabtay garabka xulka Holland iyo kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay kaas oo ku biiray kooxda Man United.

Agaasimaha farsamada kooxda PSV ayaa todobaadkii hore cadeeyay in Liverpool ay Memphis Depay saxiixiisa kaga dhawdahay kooxda Man United, balse Rodgers ayaa arinkaas gaashaanka u daruuray.

“Waa nasiib daro in lagugu riixo qof aadan waligaa xiiseynin, Depay waa xidig dhalinyar, balse mar hore ayaan heysanay afar xidig oo garbaha ka ciyaara, Sterling, Ibe, Lallana iyo Markovic, sidoo kalana ciyaartoy kale ayaan baadi goob ugu jirnaa”

Si kastaba Memphis Depay wuxuu ku biiray Man United madama labada kooxood ee PSV iyo United ay ku heshiiyeen lacagaha xidigaan.

Ugu dambeyntii Rodgers wuxuu sidoo kale shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Chelsea ku sheegay in kooxda ay suuqa yurub gali doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>