Home » Maxaa Cusub » Branden Rodgers Oo Markaan 75 Malyan Oo Pound Ku Qarash Gareyn Doona Sadex Xidig Si Uu Koxdiisa U Xoojiyo, Waa Kuwee?

Branden Rodgers Oo Markaan 75 Malyan Oo Pound Ku Qarash Gareyn Doona Sadex Xidig Si Uu Koxdiisa U Xoojiyo, Waa Kuwee?


Liverpool

Kadib sadex saxiix oo ay si xor ah ku heleen macalinka Liverpool Branden Rodgers aya markaan doonaya inuu tijaabiyo awoodiisa lacageed wuxuuna 75 Malyan ku burburin doonaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Liverpool waxey xagaagan sameysay afar saxiix kuwaas oo kala ah: James Milner, Danny Ings, Adam Bogdan iyo Joe Gomez, balse sadex saxiix oo kale ayuu calaameystay si kooxda loo xoojiyo.

Branden Rodgers wuxuu markaan dooqiisa koowaad siiyay burburiyaha aan kalsoonida la siin ee koxda Real Madrid Asier Illaramendi kaas oo ay macquul tahay in Madrid ay iska iibiso madama aysan boos u heli Karin.

25-jirkaan heerka caalami ee xulka Spain waxey Liverpool ku dooneysaa aduun dhan 16 Malyan Oo Pound, walow qiimahaas mid ka badan uu ku yimid Madrid.

Dhanka kale Rodgers wuxuu isha ku hayaa saxiixyada Carlos Bacca oo ka tirsan Sevilla iyo xidiga Zenit St Petersburg Salomon Rondon, sidoo kalana meesha kama marna Christian Benteke.

Si kastaba ha ahaatee xidiga Sevilla Carlos Bacca waxa lagu qiimeeya 22 Malyan Oo Pound halka xidiga reer Veneuzuela Rondon isagana lagu qiimeeyo 14 Malyan Oo Pound.

Ugu dambeyntii Liverpool waxey diyaar u tahay iney xagaaga soo aadan iska dhaqdo ceebtii soo gaartay xagaagii dhamaaday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>