Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ahmiyada kowaad siin doono sidii uu xagaagan gacanta ugu soo dhigi lahaa weeraryahanka naadiga Inter Milan Mauro Icardi.
Chelsea ayaa diyaar u ah inay ka faa’iideesato xaalada ismari waaga ah ee ka dhex taagan xidigan iyo kooxdiisa Inter madaama uu si rasmi ah u diiday inuu qandaraas cusub saxiixo.
Chelsea ayaa dooneyso inay €30m kusoo qaadato 22-jirkan horaanta bisha June si uu xagaagan tababar ula qaato Blues lana qabsado falsafada macalin Mourinho xili hore.
Inkastoo Chelsea ay cadeesatay damaceeda ku aadan Icardi sidoo kalena soo bandhigtay lacagaha ay xidigan ku dooneyso hadana milkiilaha Inter Milan Erick Thohir ayaa sheegay inay Icardi kaga samri karaan kaliya €60m!
Weeraryahanka reer Argentina aya haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa madaama uu xili cayaareedkan dhaliyay 21-gool dhamaan tartamada kala duwan waxaana la filaa inuu Chelsea awood dheeraad ah kusoo kordhin karo hadii ay xagaagan saxiixiisa ku guuleesato.