Home » Horyaalada » italian Serie A » Claudio Marchisio Oo La Xaqiijiyay Inuu Kooxdiisa Juventus Heshiis Cusub U Saxiixi Doono

Claudio Marchisio Oo La Xaqiijiyay Inuu Kooxdiisa Juventus Heshiis Cusub U Saxiixi Doono


Marchisio

Xidiga xulka Italy khadka dhexe kaga cayaaro Claudio Marchisio waxay kooxdiisa Juventus ku abaal marin doontaa heshiis cusub madaama uu xili cayaareedkii dhawaa bandhig aad u sareeyo uu la yimid.

Waxaa laga wadaa inay Juventus sida ugu dhaqsiyaha ugu badan ugu dhawaaqdo heshiiska cusub ee Claudio Marchisio laga saxiixi doono wuxuuna magaalada Turin sii joogi doonaa ilaa xagaaga sanada 2019.

Claudio Marchisio xarunya Juventus ayuu kusoo bar baaray wuxuuna kooxda heerka kowaad ee Juve ka mid noqday xili cayaareedkii 2006/07 waa xiligii ay Juve Serie B-da ka cayaareesay.

Kooxda Juventus xili cayaareedkan mashquulkeeda waa mid aad u sareeyo waxayna ilaa haatan lasoo saxiixatay xidigaha kala ah Paulo Dybala, Mario Mandzukic, Sami Khedira. Norberto Neto, Daniele Rugani iyo Simone Zaza.

Sidoo kale Juve waxay iska fasaxday xidigaha kala ah Andrea Pirlo, Carlos Tevez, Marco Storari iyo Simone Pepe taasi oo ka dhigan in kooxdan ay xagaaga suuqa Yurub siweyn ugau faa’iideesatay.

Claudio Marchisio wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu waaya aragsan ee magaalada Turin ku sugan sidaa darteed laacibkan ma dooneyso Juve inay iska fasaxdo wuxuuna lasii joogi doonaa 4-sano ee nagu soo fool leh sida laba dhinac ay ku heshiiyeen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>