Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Oo Joojiyay Wareysi Laga Qaadayay Xili Su’aalo Laga Weydiiyay Xaalada Sergio Ramos

Cristiano Ronaldo Oo Joojiyay Wareysi Laga Qaadayay Xili Su’aalo Laga Weydiiyay Xaalada Sergio Ramos


ronaldo

Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka carooday su’aalo laga weydiiyay xaalada uu Sergio Ramos ku sugan yahay xili uu xidigan wareysi bixinaayay.

Cristiano Ronaldo marar badan ayuu saxaafada u sheegay inuusan ka war qabin dagaalka dhex yaalo Ramos iyo maamulka Real Madrid.

Balse si lama filaan ah ayaa lagu weydiiyay in Sergio Ramos uu kooxda Man United ku biiri rabo madaama daafacan uu Madrid ka gadoodsan yahay.

Ronaldo oo careesan wuxuu yiri “Ma aqaan xaalada Ramos ma aqaan xaalada Ramos” markaas kadib gabi ahaanba wareysigii laga qaadayay ayuu isaga dhaqaaqay.

Ronaldo oo 30-jir ah ayaa u daayay xaalada Ramos iyo maamulka Real Madrid xal u helaan sidoo kalena xidigan ma doonayo arimo aan isaga quseynin inuu ka hadlo.

Geeska kale Ronaldo ayaa ka gaabsaday hadal heynta ah in taageerayaasha Real Madrid ay soo jeediyeen in xidigan aan kabtanka kooxda laga dhigin hadii Ramos iyo Casillas ay naadiga isaga tagaan.

Dabcan waa arin lala yaabo go’aanka taageerayaasha Madrid balse Ronaldo kuleel iyo qabow arinkaas kuma heyso

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>