Ramadaan Kariim, khamiis wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.
Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Isniin ah
Liverpool ayaa sii wada qorshaheeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxeyna markaan ku dhawdahay saxiixa Christian Benteke oo ka tirsan kooxda Aston Villa. (Express)
Raheem Sterling ayaa kusoo laabanaya Anfield si uu tababar ula sameeyo kooxda Reds ee aadeysa Bangkok, balse shaki ayaa ku jira inuu raacayo kooxda. (Independent)
Goolhaye David De Gea ayaa kusoo laabanaya Old Trafford manta si uu tababarka kooxda u bilaabo, xili si ba’an loola xiriirinayo Real Madrid. (Cautro)
Madama aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka David De Gea, Man United waxey u dhaqaaqday soo xerogalinta 28-jirka Stoke City Asamir Begovic. (Mirror)
Arsenal ayaa xiriir la sameysay wakiilka garabka Barcelona Pedro Rodriguez, xili ay isku diyaarineyso iney lasoo saxiixato 27-jirkaan reer Spain. (Independent)
Arsenal ayaa bangiga u jabin doonta Arturo Vidal oo ka tirsan Chile, xili kooxdiisa Juventus ay suuragal ka dhigtay iney xidigaan iibineyso. (Metro)
Southampton ayaa dooneysa iney dhameystirto saxiixa daafaca reer Belgium Toby Alderweireld kaas oo sanad amah ay ka heysteen Atletico Madrid. (talkSPORT)
Macalinkii hore xulka Faransiiska Raymond Domenech ayaa kula taliyay Morgan Schneiderlin inuu ku biro Manchester United si uu boos uga helo Xulka France. (The Sun)
Tottenham Hotspur waa iney bixiso lacag dhan 18 Malyan Oo Pound hadii ay doonayaan saxiixa da’yarka reer Belgium ee kooxda As Monaco Yannick Ferreira Carrasco. (Star)