Macalin Luis Enrique oo maal mihii ugu dambeesay shaki galinaayay joogitaankiisa garoonka Camp Nou ayaa haatan ka farxiyay taageerayaasha kooxda Barcelona.
Macalin Enrique ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub kaasi oo u ogolaan doono inuu Barcelona sii hogaamiyo ilaa sanada 2017.
Enrique xagaagii hore ayuu hogaanka Barcelona la wareegay wuxuuna xili cayaareedkan kooxdan faca weyn u qaaday sedex koob asigoo taariikhda Barcelona baal dahab ah ka galay.
Balse mustaqbalkiisa cayaareed shaki ayuu ku jiray tan iyo bilawgii sanadkan kadib markii ay maamulka kooxda is qabteen wuxuuna ku sigtay in bishii Janaayo shaqada laga racadeeyo.
Enrique ayaa xaalad walbo oo adag kasoo gudbay wuxuuna haatan kasbaday qalbiga taageerayaasha Barcelona.
Sidaa darteed maamulka kooxdan ayaa ku abaal mariyeen macalinkan dadaalka badan inuu Barcelona sii hogaamiyo labada sano ee nagu soo fool leh.
Macalin Enrique ayaa aqbalay heshiiskan cusub wuxuuna ka dhawaajiyay inuu Barcelona sii dhisi doono kuna sii heyn doono safka hore ee La Ligaha iyo qaarada Yurub tartamada laga cayaaro.