Home » Maxaa Cusub » Di Maria → PSG, Cavani → Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah

Di Maria → PSG, Cavani → Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Axad ah.


Manchester United ayaa u adeegsan doonta Angel Di Maria iney kusoo dabto Edinson Cavani waxeyna damacsan tahay iney Di Maria ku wareejiso PSG si ay u hesho Cavani. (Star)

Sidoo kale Louis Van Gaal ayaa bartilmaameed ka dhiganaya daafaca midig ee kooxda Everton Seamus Coleman, kaas oo lagu qiimeeyo 20 Malyan Oo Pound. (The Sun)

Man United ayaa heshiis kala gaartay Southampton saxiixa Morgan Schneiderlin, waxeyna dalabka xiga United u gudbin doontaa goolhaye Jasper Cillessen. (Mirror)

Ronald Koeman ayaa helay badalka Schneiderlin wuxuuna doonayaa inuu lasoo saxiixdo kubad sameeyaha xulka Holland Jordy Clasie kaas oo 24-jir ah kana tirsan kooxda Feyenoord. (Express)

Liverpool ayaa wadahadal kula jirta da’yarka Sweden iyo Kooxda Coppenhegan Ludwig Augustinsson kaas oo jaha wareer ku riday xulka England ee 21-jirada koobka Euro U21. (Mirror)

Manchester City ayaa jawaab ka sugeysa Juventus ah iney Pogba u ogolaaneyso inuu ka tago kooxda ka hor inta aysan dalab 71 Malyan ah u gudbin. (Mirror)

Real Madrid ayaa si cad ula hadashay Manchester United waxeyna u sheegeen iney bixiyaan lacag dhan 63 Malyan Oo Pound hadii ay doonayaan Sergio Ramos. (People).

Liverpool ayaa dalab 25 Malyan Oo Pound ah ka gubdineysa burburiyaha Real Madrid Asier Ilalramendi kaas oo aan boos joogto ah ka heysan Bernabeu. (People).

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>