Home » Maxaa Cusub » Diego Simeone Oo Ka Farxiyay Man United Kadib Markii Uu Hadal Sahli kara Iney Mandzukic Hesho Ka Dhawaajiyay

Diego Simeone Oo Ka Farxiyay Man United Kadib Markii Uu Hadal Sahli kara Iney Mandzukic Hesho Ka Dhawaajiyay


Mandzukic

 

Manchester United ayaa dabagal ku heyso Mario Mandzukic oo weerarka kaga ciyaara kooxda Atletico Madrid, warbaahinta Ingiriiska ayaana hadal hayay maalmihii ugu dambeyay in xidigaan uu kusii jeedo Old Trafford, balse Simeone ayaa sii huriyay arintaas.

Macalinka reer Argentina ee leyliya Atletico Madrid Diego Simeone ayaa ka dhawaajiyay in xidigaan reer Croatia uu mar walba ka careysiiyo taasoo suurtagal ka dhigi karta in xidigaan uu ka hayaamo Vincent Calderon, waxaana jirta in kooxdisa ayba xooraansi ku heyso Carlos Tevez.

“Isaga, Mandzukic, si fudud ayuu iiga careysiiyaa, waana iga dhab”

“Waa xidig weyn oo howlkar ah, hoos u dhac ayaana soo wajahay qaab ciyaareedkiisa tan iyo bishii February” Ayuu yiri Diego Simeone.

“Kulankii ugu dambeeyay wuxuu iisoo diray fariin, wuxuuna ii sheegay inuu doonayo inuu la safro ciyaartoyda”

“Waan ogahay inuu wax walba u huray kooxda, waana kaga mahad celineynaa inaan kaalinta sadexaad La Liga ka galno” ayuu yiri mar kale Simeone.

Si kastaba hadalka kasoo yeeray Simeone ayaa farxad galiyay Manchester United waxeyna u muuqataa In Mario Mandzukic uu Old Trafford u dhaqaaqi doono madama uu yahay shaqsi mar walba ka careysiiya macalin Simeone.

Ugu dambeyntii Mario Mandzukic wuxuu kusii dhawaanayaa ku biiritaanka Manchester United waana xidiga kaliya ee lala xiriirinayo inuu buuxiyo Radamel Falcao.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>