Home » Horyaalada » Bundesliga » “Douglas Costa Wuxuu Noqon Doonaa Robben-ka Cusub Ee Bayern Munich” Sidaas Waxaa Yiri Mircea Lucescu

“Douglas Costa Wuxuu Noqon Doonaa Robben-ka Cusub Ee Bayern Munich” Sidaas Waxaa Yiri Mircea Lucescu


Douglas Costa

Kooxda Bayern Munich maalmo ka hor waxay shaaca ka qaaday inay 25-milyan oo pound kula wareegtay weeraryahanka xulka Brazil iyo naadiga Shakhtar Donetsk Douglas Costa.

Hadaba arinkan waxaa xaqiijiyay macalinka naadiga Shakhtar Donetsk Mircea Lucescu sidoo kalena wuxuu kalsooni ka muujiyay in Costa uu siweyn Bayern Munich ula qabsan karo.

Marka uu tartanka Copa America soo idlaado ayuu Douglas Costa si rasmi ah kooxda Bayern Munich ugu biiri doonaa.

Waxaana arinkan ka hadlay macalin Mircea Lucescu oo yiri “Aniga waxay ila tahay arin caadi ah in Bayern Munich ay Douglas dabagal xoogan xagaagan ku heesay”

“Costa wuxuu noqon doonaa Robben-ka cusub ee Bayern Munich waayo waa 24-jir karti badan sidoo kalena dhalintiisa wanaagsan tahay”

Kooxda Bayern Munich ayaa saxiixa Douglas Costa kaga guuleesatay kooxaha Chelsea, Roma, AC Milan, Liverpool iyo PSG oo xidigan dabagal xoogan ku hayeen.

Dhanka kale macalinka naadiga Shakhtar Mircea Lucescu wuxuu ka dhawaajiyay in weeraryahankiisa Luiz Adriano sidoo kalena uusan hubin inuu kooxdiisa lasii joogi doono waxaana xidigan siweyn loola xariirinaa naadiga AC Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>