Home » Europe » Europa League » Everton Oo Noqotay Kooxdii Ugu Dambeesay Ee Reer England Taasi Oo Si Fool Xun Yurub Looga Reebo Iyo Dhamaan Natijooyinkii Europa League

Everton Oo Noqotay Kooxdii Ugu Dambeesay Ee Reer England Taasi Oo Si Fool Xun Yurub Looga Reebo Iyo Dhamaan Natijooyinkii Europa League


everton

Raali ahaada reer England waa hadal heynta haatan  taagan madaama gabi ahaanba kooxaha Premiership-ka England laga ciribtiray labada koob ee qaarada Yurub laga cayaaro.

Kooxda Everton oo ay ahayd naadigii ugu dambeeyay ee England mataleyso ayaa guuldaro culus dhabarka loo saariyay sidoo kalena waxaa ku bar baratay naadiga Dynamo Kiev.

Lugta labaad wareega 16-aad tartana Europa League waxa Everton loogu awood sheegtay 5-2 taasi oo ka dhigan in si fool xun lo reebay waxayna isku darka labada lug ee dhanka goolasha 6-4.

Kooxda Dynamo Kiev waxaa daqiiqadii 21- aad hogaanka u dhiibay Yarmolenko balse Lukaku ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 29-aad sidoo kalena goolkiisii 8-aad ayuu tartankan ka dhaliyay.

Balse Teodorczyk ayaa hogaanka Dynamo usoo celiyay daqiiqadii 35-aad halka Miguel Veloso uu cayaarta ka dhigay 3-1.

Everton waxaa rajo la’aan tiray Gusev kaasi oo cayaarta ka dhigay 4-1 halka Antunes uu sii xumeeyay rajada kooxda rer England kadib markii uu cayaarta ka dhigay 5-1 daqiiqadii 76-aad

Kooxda Everton gool kale ayay heshay waxaana u dhaliyay Jagielka daqiiqadii 82-aad balse midaas kama celin in tartanka Europa League ay Everton isaga harto.

Geeska kale kooxda Inter Milan ayaa iyadana Europa League laga reebay kadib markii 2-1 ugu awood sheegatay naadiga Wolsurg inkastoo kulankan garoonka San Serio ka dhacay waxaana Inter lagu reebay isku darka goolasha labada lug 5-2.

Kooxda Roma ayaa iyadana waji gabax la kulantay kadib markii guul daro 3-0 ah kala kulantay kooxda Fiorentina waxaana Roma lagu reebay garoonkeeda.

Guud ahaan natiijooyinkan kasoo baxeyn kulamada lugta labaad wareega 16-aad Champion-ka hoos kaga bogo:

Dinamo Moscow 0 – 0 SSC Napoli

Dynamo Kyiv 5 – 2 Everton

Roma 0 – 3 Fiorentina

Ajax 2 – 1 Dnipro

Besiktas 1 – 3 Club Brugge

Inter 1 – 2 Wolfsburg

Sevilla 2 – 1 Villarreal

Torino 1 – 0 Zenit St. Petersburg

Sidoo kalena 8-naadi ee hos ku qoran ayaa wareega 8-aad ee tartanka Europa League usoo baxeen:

Club Brugge KV (BEL)
FC Dnipro Dnipropetrovsk (UKR)
FC Dynamo Kyiv (UKR)
ACF Fiorentina (ITA)
SSC Napoli (ITA)
Sevilla FC (ESP)
VfL Wolfsburg (GER)
FC Zenit (RUS)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>