Home » Europe » Champions League » Evra Iyo Kooxdiisa Juventus Oo Dhigeen Labo Iskoor Oo Aan La Jecleesan Karin!

Evra Iyo Kooxdiisa Juventus Oo Dhigeen Labo Iskoor Oo Aan La Jecleesan Karin!


Evra

Daafaca garabka bidix ee naadiga Juventus Patrice Evra ayaa noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee 4-Final oo Champion-ka ah laga qaado!!

Evra kulankii kooxdiisa Juventus 3-1 ugu awood sheegatay naadiga Barcelona ayaa uga dhigay in markii 4-aad koobkan qiimaha badan laga qaaday waxaana horey looga qaaday sanadaha kala ah 2004, 2009 iyo 2011.

Evra markii ugu horeesay ee koobkan laga qaaday wuxuu ka tirsanaa kooxda Monaco sanadii 2004 sidoo kalena asigoo Man United ka tirsan sedex jeer ayuu Finalaha imaaday hal isaga ayaa qaada 2008 sidoo kalena 2009 iyo 2011 guuldaro ayuu qaatay sidoo kalena sanadkan 2015 qasaaro kale ayuu la kulmay.

Evra wuxuu ciil gaar ah u qabi doonaa kooxda Barcelona oo ka qaaday 3-Final asigoo lumiyay 4-Final mana jirto wax ka xanuun badan midaas waayo Barcelona sanadii 2009 iyo 2011 asigoo Man United ka tirsan ayay ka qaaday haatana asigoo Juve ah ayay markale koobka ka xoogtay!

Hadaba hoos kaga bogo guud ahaan xidigaha ugu badan ee tartankan laga qaaday ayagoo Final soo xaadireen:

4: Patrice Evra (AS Monaco FC, Manchester United FC, Juventus)
3: Edgar Davids (AFC Ajax, Juventus)
3: Alessandro Del Piero (Juventus)
3: Didier Deschamps (Juventus, Valencia CF)
3: Paolo Maldini (AC Milan)
3: Paolo Montero (Juventus)
3: Edwin van der Sar (AFC Ajax, Juventus, Manchester United FC)

juve

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa noqotay naadigii ugu horeeyay ee taariikhda koobka Yurub 6-Final laga qaado wuxuuna iskoorkan u noqday mid gaar u ah oo meel loogu qoray Juventus!

Juve horey waxay la sineed kooxaha Bayern Munich iyo Benfica oo min 5-jeer tartankan laga qaaday balse haatan Juve ayaa hal dheeratay waxayna beer dareesay koobka Yurub ugu qiimaha badan 6-jeer oo kale duwan weliba 4-Final ee ugu dambeesay oo ay kooxdan soo tiigsatay waa laga qaaday (1997, 1998, 2003 iyo 2015)!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Evra Iyo Kooxdiisa Juventus Oo Dhigeen Labo Iskoor Oo Aan La Jecleesan Karin!

  1. nuur Reply

    7-June-2015 at 7:20 am

    Waaa yaab nasiib xumaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>