Home » Maxaa Cusub » Flop-ka Man United Rafael Da Silva Oo Dalabyo Kala Duwan Ka Helay Sedex Ka Mid Ah Kooxaha Yurub Ugu Caansan

Flop-ka Man United Rafael Da Silva Oo Dalabyo Kala Duwan Ka Helay Sedex Ka Mid Ah Kooxaha Yurub Ugu Caansan


rafael-da-silva_2264925b

Daafaca garabka midig ee kooxda Man United Rafael dheeri ayuu ku yahay kooxdiisa mana looga baahno garoonka Old Trafford.

Sidaa darteed xidigan wakiilkiisa ayaa xariiro kala duwan la sameeyay qaar ka mid ah kooxaha Yurub waxaana haatan Rafeal miiska u saaran sedex dalab ee uu kala dooran doono.

Daafaca reer Brazil kalsooni kama heesto macalin Luis Van Gaal balse wuxuu fariimo kala duwan ka helay kooxaha Fiorentina, Napoli iyo Galatasaray.

Man United Refeal wey ka tashatay madaama ay qorsheeneyso inay badalkiisa lasoo saxiixato Seamus Coleman oo naadiga Everton ka tirsan.

Rafeal oo maalinta khamiista 25-jirsan doono ayaa diyaar u ah inuu iska iloobo riyadii ahayd inuu kooxda Man United mustaqbalkiisa cayaareed ku dhameesto.

Rafeal sanadii 2008 asigo iyo walaakiisa la mataanaha ay waxay imaadeen garoonka Old Trafford waxayna kusoo hoos bar baareen hogaanka macalin Sir Alex Ferguson balse labadan xidig sanadihii ugu dambeeyay ayay siweyn u fashilmeen.

Warbixintan ayaa lagu sheegay inuu Rafeal siweyn u daneynaayo dalabka kooxda Galatasaray ee ka dhisan dalka Turkiga madaama naadigan ay xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>