Maanta oo arbaco ah iyo wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaan jecelnahay inan idiin soo koobno waxaana lagu jiraa bisha June oo ah bil ay si xowli ah wararka xanta h u kordhi doonaan madama July uu furmi doono suuqa.
Manchester United ayaa dalab 110 Malyan ah u dirtay Real Madrid iyadoo ka doonesya Gareth Bale iyo Raphael Varane, balse kooxda reer Spain wey iska soo diday dalabkaas. (Daily Express)
Real Madrid ayaa ku qancineysa 24-jirka reer Spain ee goolka u qabta Manchester United David De Gea inuu yimaado Bernabeu xili xidigaan qandaraaskiisa uu kaga haray hal sano, waxeyna Madrid ku doonysaa xidigaan 30 Malyan Oo Pound (The Sun)
David De Gea goor hore oo shalay aheyd ayuu macsalaameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha Manchester United isagoo u sheegay inuu ku biirayo Real Madrid. (Daily Star)
Manchester City ayaa dalab 32 Malyan ah u dirtay Real Madrid iyadoo ka dooneysa Isco, si uu badal ugu noqdo David Silva oo 29-jir ah lana filayo inuu ku laabto Spain. (Daily Mirror)
Chelsea ayaa qorsheyneysa iney lasoo saxiixato 30 Malyan Oo Pound weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain, kaas oo sido kale lala xiriirinayo Liverpool, Arsenal iyo Man United (Daily Star)
Tababare Jose Mourinho ayaa beeniyay wararka ay qoreen warbaahinta Ingiriiska ee la xiriira In Diego Costa uusan ku faraxsaneen nolosha Stamford Bridge. (The Sun)
Macalinka Sevilla ee labada jeer oo xiriirka ah kula guuleystay Europa League-ga ayaa la hadal hayaa inuu la kulmo maamulka West Ham si uu xilka kooxdaas u qabto iyadoo warar kalana ay sheegayaan inuu qaban doono Napoli. (Daily Telegraph)
Tim Sherwod ayaa u sheegay weeraryahankiisa da’da yare e xulka Austria Andreas Weimann inuu ka tagi karo koxda wuxuuna u muuqdaa inuu ku biirayo koxda Derby County. (Daily Mail)
Robin Van Persie ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda Manchester United isagoo doonaya inuu boos joogto ah helo, 31-jirkaan ayaana koox ka mdi ah kuwa ugu waaweyn yurub rajeynaya (Daily Mirror)
Chelsea ayaa diyaar u ah iney Manchester United kula loolanto saxiixa daafaca reer Brazil ee kooxda Athletic Madrid Joao Miranda kaas oo 30-jir ah isla markaana heshiiskiisa uu dhacayo xagaaga soo aadan. (Daily Telegraph)
Goolhayaha Tottenham Hotspur ayaa la hadal hayaa inuu badal u noqon doono David De Gea isagoo sidoo kale jecel inuu kasoo muuqdo Champions League-ga. 28-jirkaan ayaana heli doona fursad uu ugu biirayo United. (Guardian)