Kooxda Real Madrid dhibaato hor leh ayaa soo wajahday madaama goolhayaheeda Keylor Navas uu dhaawac soo gaaray.
Madrid ayaa ku jah wareersan xaaladaha David De Gae oo weli arinkiisa meel u dhicin iyo Iker Casillas oo isagana dalbaday in la iska fasaxo madaama uu kooxda FC Porto heshiis la gaaray.
Haatana Keylor Navas ayaa ka dhaawacmay wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa mudo sedex todobaad ah.
Navas dhaawaciisa wuxuu madax xanuun ku riday macalin Rafeal Benitez oo haatan xili cayaareedka cusub u diyaar garoobi doono asigoon heesanin goolhaye muhiim ah.
Navas wuxuu seegi doonaa kulamada saaxiibtinimo ee Real Madrid dalka Australia kula cayaari doonto kooxaha Roma iyo Man City.
Balse waxaa lagu rajo weyn yahay inuu xidigan garoomada kusoo laabto kulanka Real dalka China gaar ahaan magaaalada Guangzhou kula cayaari doonto kooxda Inter Milan.