Home » Horyaalada » italian Serie A » Gudoomiyaha Barcelona Josep Bartomeu Oo Xaqiijiyya In Kooxdiisa Aysan Xagaagan Pogba La Saxiixan Doonin

Gudoomiyaha Barcelona Josep Bartomeu Oo Xaqiijiyya In Kooxdiisa Aysan Xagaagan Pogba La Saxiixan Doonin


Pogba

Gudoomiyaha kooxda Barcelona Josep Bartomeu ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in kooxdiisa aysan heshiis qarsoodi ah la gaarin naadiga Juventus sido kalena masuulkan ayaa xusay in Paul Pogba uusan xagaagan Camp Nou imaan doonin.

Josep Bartomeu oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Lama saxiixan doono Pogba xagaagan waa hubaal kama mid ahan qorshaheena xili cayaareedka cusub 2015/16”

Hadalka masuulka ugu sareeyo Barcelona kasoo yeeray ayaa kusoo beegmayo xili saxaafada Spain ay sheegtay in Barcelona dalab €80m ay ka diiday dhigeeda Juventus si ay Paul Pogba gacanta ugu soo dhigto.

Barcelona xagaagan suuqa Yurub wey ka ganaaxan tahay waxayna cayaartooy lasoo saxiixan kartaa laga bilaabo bisha Janaayo ee sanada 2016.

Sidaa darteed wargeska Marca ayaa sheegay in Pogba uu xagaagan Juventus kasii mid ahan doono balse xagaaaga dambe ay hubaal tahay inuu xiran doono maaliyada Juventus balse rabitaanka xidigan.

Halka kooxdiisa Juventus ay diyaar u tahay inay ka iibiso naadigii la timaado qiimo raali galiyo sidaa darteed Man City albaabka kama xirno inay Pogba xagaagan lacago waali ah ku iibsato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>