Halyeega kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa laga guuleestay wuxuuna haatan ku qasbanaan doonaa inuu xirto maaliyada naadiga uu aduunka ugu neceb yahay!
Jamie Carragher ayaa hadal ka tagay hada ka hor wuxuuna ku fashilmay inuu sadaal ka dhiibto doorka uu xidiga reer Brazil Paulinho ku yeelan karo kubada cagta dalka England.
Jamie Carragher ayaa balan la galay saaxiibkiis Garry Neville oo ay hada ka hor ku wada balameen inuu nin wlabo fikrad ka dhiibto Paulinho iyo waxqabadkiisa naadiga Tottenham.
Jamie Carragher ayaa ka dhawaajiyay 12-bilood ka hor in Paulinho uu kooxdiisa Tottenham 15-gool u dhalin karo halka Garry Neville uu isagana sheegay in Paulinho uu ku fashilmi doono kubada England.
Hadaba labadan halyee waxay ku wada balameen mid walbo inuu xiran doono maaliyada kooxihii ay usoo cayaareen waa hadii aragtidooda ay qalad noqoto.
Doorka haatan Jamie Carragher ayay ku foorartaa madaama Paulinho ku guul dareestay inuu 15-gool dhaliyo haatana Jamie Carragher wuxuu ku qasban yahay inuu xirto maaliyada Man United ee lambarkii Garry Neville ku cayaari jiray sidoo kalena uu barta Twitter-ka soo dhigo!
Paulinho haatan kooxda Guangzhou Evergrande ee dalka China ayuu heshiiska shaqsiga ah la gaaray waxaana la sheegay in kooxdiisa Tottenham ay aqbashay inuu xidigan Asia u hayaamo.
Paulinho kaliya 6-gool ayuu horyaalka England ka dhaliyay iskaba dhaaf inuu 15-gool dhaliyo sidaa darteed Jamie Carragher balankii la wada galay waa looga guuleestay wuxuuna dhawaan xiran doonaa maaliyada Man United!!