Manchester United ayaa lala xiriirinayaa tiro xidigo ah xili suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu furmi doono maalmo kadib, waxeyna kooxdaan dooneysaa iney is xoojiso si ay tartan culus u gasho xagaaga soo aadan.
Marka la eego kooxaha qaarada Yurub Man United waa kooxda ugu badan ee lala xiriiriyo ciyaartoyda, Louis Van Gaal ayaana doonaya inuu sameeyo saxiixyo waaweyn.
Macalinkii hore Barcelona ayaa soo wanaajiyay kooxda Man United isagoo ugu dhameeyay booska afaraad, waxeyna kasoo kabsadeen xili ciyaareed foolxun oo ay ku dhameysteen kaalinta 7-aad ee horyaalka, mana doonayo inuu koob la’aan ahaado xagaaga xiga ee 2016.
Marka la eego adkeynta daafaca Man United waxey keentay in kooxda lala xiriiriyo xidigo waaweyn, waxaana ugu horeeya Sergio Ramos oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay, sidoo kalana Nicolas Otamendi ayaa isna ku jira liiska Van Gaal.
Dhanka Khadka dhexe Man United waxaa lala xiriirinayaa Ilky Gundogan iyo xidiga ay dhalashada wadaagaan ee Bastian Schweinsteiger, waana laba xidig oo ka ciyaara horyaalka Bundesliga Jarmalka.
Sidoo kale Harry Kane ayaa lala xiriirinayaa Man United si uu weerarka kooxda u xoojiyo, halka Hugo Lloris isna la hadal hayo inuu goolka ka badali doono David De Gea oo u socda Real Madrid.
Hadaba Yey Kula Tahay In Man United ay lasoo saxiixato:
Ilky Gundogan
Harry Kane
Bastian Schweinsteiger
Hugo Lloris
Sergio Ramos