Home » Falanqeynta » Hordhac: Barcelona vs Deportivo: Kulankii Ugu Horeeyay Vermaelen Iyo Kulankii Ugu Dambeeyay Xavi Hernandez

Hordhac: Barcelona vs Deportivo: Kulankii Ugu Horeeyay Vermaelen Iyo Kulankii Ugu Dambeeyay Xavi Hernandez


Barcelona-vs-Deportivo-2013

Barcelona ayaa maanta kusoo dhaweyn doonta Camp Nou kooxda Deporvito La Coruna oo ka ordeysa iney heerka labaad u laabato, wallow guuldaro ay la kulmaan wiilasha Enrique aysan ku waayi Karin hanashada horyaalka.

Bulgarana horay ayey u xaqiiqsatay iney ku guuleystay La Liga waxaana maanta ay xusuus weyn u tahay Xavi Hernandez oo kulankiisii ugu dambeeyay ku ciyaaraya Camp Nou, iyo Thomas Vermaelen oo la filayo inuu kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa u safan doono tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray bilowgii xagaagan dhamaadka ah.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Deportivo

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?

Luis Enrique ayey macquul tahay inuu nasiyo qaar ka mid ah ciyaartoydiisa waaweyn madama ay maalmo kadib finalka Copa Del Rey la ciyaari doonaan Athletico Bilbao, waxaana filanaya iney kusoo bilowdaan Xavi Hernandez iyo Vermaelen oo xusoos gaar ah leh.

Sergio Roberto ayaa la filayaa inuu badalo Bosquets, halka Pedro laga yaabo inuu isna badal u noqdo Luis Suarez.

Dhanka kale Luisinho ayaa ganaax kaga maqan Deportivo madama ay jaalayaal u aruureen, halka Pablo Insua uu isna dhaawac kaga maqan yahay.

MA OGTAHAY

Deportivo markii ugu dambeysay oo ay guul ku gaarto Camp Nou waxey aheyd 12-sano ka hor, markaasna 2-0 ayey ku suldaartay kooxdii Barcelona ee xiligtaas.

Barcelona lixdii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo ay ku ciyaarto gurigeeda guul ayey gaartay mana jirto in shabaqeeda lasoo taabtay.

Barcelona kaliya 3-gool ayaa laga dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku ciyaartay.

Deportivo la Coruña kaliya hal kulan ayey guuleysatay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay, 7-barbardhac iyo 7-guuldaro ayeyna heshay.

Deportivo waa kooxda labaad ee ugu xun dhanka weerarka kulamada banaanka loo baxo, kaliya 11-gool ayey kusoo dhalisay.

Line Upka Macquulka Ah:

Barcelona (4-3-3):

Bravo; Montoya, Bartra, Vermaelen, Adriano; Mascherano, Xavi, Rafinha; Munir, Messi, Pedro

Deportivo (4-4-1-1):

Fabricio; Laure, Lopo, Sidnei, Canella; Juanfran, Borges, Bergantiños, Cavaleiro; Perez; Riera

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>