Real Madrid ayaa gurigeeda Santiego Bernabeu kusoo dhaweyn doonta kooxda Getafe xili kooxda uu madaxda ka yahay Florentino Perez ay qaleel taagan tahay xagaagan.
Madrid wax koob ah kuma guuleysan xili ciyaareedkaan inkastoo ay sanadii hore afar koob ku guuleysatay, hadana waxaaba shaki ku jiraa mustaqbalkiisa macalinkii sidaas sameeyay xagaagii hore.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Real Madrid vs Getafe
Tartanka: La Liga
Garoonka: Santiego Bernabeu
Saacadda: 9:30 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Karim Benzema ayaa la hubaa inuusan safan doonin kulanka Maanta ee Getafe halka laga yaabo inuu badalkiisa safto Javier Hernandez kulankiisii ugu dambeeyay Madrid, madama heshiiskii amaahda ahaa oo uu ku joogay kooxda uu dhamaanayo goor dhaw.
Ramos ayaa isna la filayaa inuu seego kulankaan, madama dhibaato yar ay soo gaartay kulankii ay guusha ka heleen Espanyo todobaadkii hore.
Alvaro Vazquez ayaa kaliya ka maqan kooxda Getafe iyo sidoo kale Lago oo isna ganaax ku seegi doona kulankaan, Vigaray ayaana daafaca dhexe lamaan kula noqon doona Naldo.
MA OGTAHAY:
Real Madrid ayaa guul gaartay 11-jeer oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labadan koox is arkaan.
Kaliya shan jeer ayey Getafe ka adkaatay Madrid 21-jer oo ay kulmeen.
Markii ugu dambeysay oo ay Getafe guul ka gaarto Madrid waxey aheyd 2012, waxeyna ku dhufatay 2-1.
Ronaldo ayaa dhaliyay laba ka mid ah sadex gool oo ay kulankii hore Madrid ku dishay Getafe
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Real Madrid:
Navas; Carvajal, Pepe, Varane, Marcelo; James, Kroos, Isco; Ronaldo, Bale, Hernandez
Getafe:
Guaita; Alexis, Naldo, Valero, Carlos Vigaray, Escudero; Lacen, Rodriguez; Hinestroza, Castro, Leon; Diawara