Home » Horyaalada » La Liga Spain » Iker Casillas Oo Doonayo Inuu Ku Biiro Xagaagan FC Porto Diyaarna U Ah Inuu Madrid Isaga Hayaamo

Iker Casillas Oo Doonayo Inuu Ku Biiro Xagaagan FC Porto Diyaarna U Ah Inuu Madrid Isaga Hayaamo


Real Madrid v Atletico de Madrid - UEFA Champions League Final

Goolhayaha waaya araga ah Iker Casillas ayaa xaqiijiyay inuu xagaagan kooxdiisa Real Madrid isaga hayaami doono madaama uu dalab wanaagsan ka heesto kooxda FC Porto.

34-jirkan wuxuu ku qanacsan yahay inuu horyaalka Portugal kasii wato mustaqbalkiisa cayaareed madaama kooxdiisa Real Madrid uu kalsooni buuxdo ka waayay.

Sidoo kalena Iker Casillas wuxuu ku niyad jabsan yahay imaatina David De Gae oo ay Real Madrid qal qaalo weyn saxiixiisa ugu jirto.

Wakiilka xidigan ayaa xaqiijiyay bixitaanka Casillas wuxuuna yiri “Iker aad ayuu ula dhacsan yahay dalabka ay FC Porto usoo bandhigtay wuxuuna doonayaa inuu xagaagan u dhaqaaqo”

“Waxaan rajeynaa in Real Madrid ay fasixi doonto sidoo kalena aysan rabitaankiisa ka hor istaagi doonin”

Iker Casillas ayaa Rel Madrid u saftay in ka badan 700-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna kooxdan goosheeda inuu qabto bilaabay xili cayaareedkii 1999/2000.

Iker Casillas ayaa kula guuleestay 5-jeer La Ligaha Spain, 2-Copa del Rey, 4-Super Copa Spain, 3-UEFA Champions League, 2-UEFA Super Cup, 1-FIFA Club World Cup iyo 1-Interconintental Cup ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>