Kooxda Inter Milan ayaa kaga guuleesatay kooxda ay deriska yihiin AC Milan saxiixa xidiga reer France kuna wanaagsan khadka dhexe Geoffrey Kondogbia.
Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Inter Milan ay kubad bur buriyahan heshiiska shaqsiga ah la gaartay sidoo kalena ay diyaar la tahay inay Monaco ku wareejiso qiimaha ay xidigan awooda badan dul dhigtay.
Shabakada Goal.com ayaa si rasmi ah u sheegtay in Inter Milan ay heshiis 5-sano ah la gaartay Kondogbia sidoo kalena ay sanad walbo siin doonto €4m iyo lacago dheeri ah.
Sidoo kale Inter Milan waxay la heshiin rabtaa kooxda Monaco oo aqbashay qorshaha Inter kaasi oo ah in lagu wareejin doono €35m waana qiimaha ay kooxda reer France xidigan kaga samri karto.
22-jirkan maal mihii ugu dambeesay waxaa siweyn loola xariirinaayay kooxda AC Milan sidoo kalena gudoomiye ku xigeena Milan Adriano Galliani ayaa magaalada Monaco gaaray.
Balse wuxuu ku guul dareestay inuu Kondogbia heshiiska shaqsiga ah la gaaro waayo AC Milan marnaba diyaar uma ahayn mushaarka uu dalbanaayay inay siiso.
Haatan loolanka loogu jiray Kondogbia Inter Milan ayaa ku guuleesatay wuxuuna si rasmi ah heshiis ugu saxiixi doonaa xidigan Inter maalinta Isniinta oo la filaayo in Monaco dhankeeda ay xaqiijiso in xidigan uu Inter Milan ku biiray.
Cabdi Nuur
21-June-2015 at 8:11 am
Haa inter wuu uqalmaa