Qabiirka kubada cagta ka faaloodo Jamie Carragher ayaa soo dhaweeyay qorshaha kooxda Man United ay qaadan rabto Sergio Ramos.
Jamie Carragher ayaa ku dhiiri galiyay Man United inay daafacan awooda badan gacanta kusoo dhigaan sidoo kalena wuxuu ku tilmaamay Ramos shaqsi xalin karo dhibaatada Man United dhanka daafaca gadale ka heesato.
Asigoo arinkaan ka hadlaayo wuxuu yiri “Aniga kalam jecli in United ay la saxiixato Ramos iyo in kale balse xaqiiqada ayaa ah in Ramos uu yahay daafaca kaliya ee United dhibaatada heesato uu xalin karo”
“Waxaan ku tilmaami karaa daafaca ugu wanaagsan caalamka sidoo kalena heer sare kubada cagta ka gaaray wuxuuna xaq u leeyahay inuu qaato go’aan u haboon mustaqbalkiisa cayaareed”
“Mararka qaar Ramos qaladaad waali ah ayuu galaa balse waa daafac tayadiisa aad u sareyso sidoo kalena ku haboon kooxda Man United”
“Real Madrid ma aqaan halka ay ka heli doonto daafac Ramos la mid ah waayo Ramos waa xidig awoodo inuu todobaad walbo cayaaro”