Joan Laporta ayaa go’aan ku qaatay inuu markale kusoo laabto hogaaminta kooxda Barcelona sidoo kalena uu agaasimaha kooxdan ka dhigo halyee Eric Abidal waa hadii uu ku guuleesto doorashada madaxtinimada Barcelona.
Joan Laporta oo damaciisa weyn ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaan dooneynaa inaan Barcelona fariisino qorshaheeda sidoo kalena kooxda 10-sano ee soo socoto wada saxda ah aan ku hogaamino”
“Abidal waa shaqsi cajiib ah sidoo kalena gobolka Catalunya laga wada jecel yahay waxaan ka dhigi doona agaasimaha kooxda hadii aan doorashada ku guuleesano”
Juan Laporte ayaa ah musharaxa ugu cad cad xilka Barcelona madaama maamulka haatan Barcelona hogaamiye cadaadis weyn saaran yahay.
Sidoo kalena lab arimood ayay fadeexad kala kulmeen maamulka Barcelona xiligaan waa hogaamiyo waana qaabkii Neymar lagu keenay Camp Nou iyo ganaaxii kooxdan laga saaray suuqa Yurub mudo hal sano ah.