Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Sedex Xili Oo Kala Duwan Isku Dayay Inuu Steven Gerrard La Saxiixdo

Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Sedex Xili Oo Kala Duwan Isku Dayay Inuu Steven Gerrard La Saxiixdo


Gerrard

Kooxda Liverpool maalinta berito ah waxay garoonka Anfield kula cayaari doontaa naadiga Chelsea kulan ka tirsan Premiership-ka Englan.

Hadaba ka hor kulankan waxaa saxaafada la hadlay macalin Jose Mourinho oo si gaar diirada u saaray bixitaanka Steven Gerrard iyo inuu marar kala duwan damcay saxiixa halyeegan.

“Waxaa la joogaa xiligii aa sharfi lahaa ninka horyaalka ah (Steven Gerrard) waxaan ku tilmaami karaa mid ka mid ah shaqsiyaadka aan kubada kusoo wada xifaaltanay mudo dheer”

“Steven wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka igu dhiiri galiyeen inaan noqdo macalin wanaagsna waayo marwalbo wuxuu ahaa cadowgeyga kowaad oo aan kubada ku dagaalano”

“Waxaan ka xumahay inuu Premiership-ka ka tagaayo sidii aan uga xumaaday oo kale Frank Lampard”

“Waxaan isku dayay marar kala duwan inaah heshiis la gaaro anigoo Chelsea macalin u ah ayaan saxiixiisa ku guul dareestay”

“Sidoo kalena kama harin markii aan Inter Mlan iyo Real Madrid macalin u ahaa waan la xariiray laakiin marwalbo wuxuu diidanaa inuu kooxdiisa Liverpool meel cidlo ah uga tago”

“Waxaan leeyahay Steven nasiib wacan waana kugu soo dhaweyn doonaa Stamford Bridge madaama aa tahay halyee kubada cagta lagu tixgaliyo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>