Home » Horyaalada » France League I » Kooxaha Real Madrid, Juventus & Manchester City Oo Ku Tartamaya Burburiye Heer Sare Ah Oo ka Tirsan As Monaco

Kooxaha Real Madrid, Juventus & Manchester City Oo Ku Tartamaya Burburiye Heer Sare Ah Oo ka Tirsan As Monaco


Kondogbia

Sida uu ka dhawaajiyay wakiilkiisa burburiyaha kooxda Monaco  Geoffrey Kondogbia ayey ku dagalamayan kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada yurub.

22-jirkaan reer France ayaa xili ciyaareed qurux badan ku qaatay kooxda Monaco ee horyaalka Faransiiska wuxuuna kaliya sanadii 2013 kaga yimid Sevilla waxaana soo baxayay warar hoose oo sheegaya in xidigaan ay doonayaan Inter Milan iyo Real Madrid.

Wakiilka xidigaan ayaa xaqiijiyay in labadas kooxood ay dalab u gudbiyeen xidigaan sidoo kalana aysan meesha ka marneyn Manchester City iyo kooxda Juventus ee fadhisa finalka Champions League-ga.

“Ciyaariyahanka kooxo fara badan oo yurub ka dhisan ayaa doonaya” ayuu yiri Jonathan Benbaron oo ah wakiilkiisa, “Ka sokow xiisaha ay Inter u qabto xidigaan sidoo kale waxaa xiiseynaya kooxaha Juventus, Real Madrid iyo Man City”

“Kooxo badan ayaa nala soo xariiray, balse ma sheegi karo inta ay la egyahiin wadahadaladaas kala duwan, miyuu xagaagan bixi doona? wax walba waa macquul markaad ku jirto kubada cagta”

Ugu dambeyntii Geoffrey Kondogbia waxaa heshiiska uu Monaco kula jiro kaga haray 3-sanadood waxaana lagu jabin karaa 18 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>