Kooxda kubada cagta Liverpool ayaa kusoo biirtay liiska kooxaha doonaya burburiyaha kooxda Juventus iyo xulka Chile Arturo Vidal sida ay qortay jariiradda Gazzetta dello Sport.
Jariiradaan fadhigeedu yahay talyaaniga ayaa ka dhawaajisay in Arturo Vidal uu ka mid yahay liiska xidigaha ay Reds la dooneyso iney buuxiyaan booska kabtan Steven Gerrard oo xagaagan ka huleelaya garoonka Anfield Road oo uu ku sugnaa mudo 17-sano ah.
Hadii Juventus ay ogolaato in Arturo Vidal ay iibiso, Liverpool waxey ka mid noqoneysaa kooxaha ugu horeeya ee xidigaan dalab rasmi ah kasoo gudbiya.
Sidoo kale Liverpool waxey heysataa dooq labaad madama ay sidoo kale xiiseyneyso Radja Nainggolan iyo Mirelam Pjanic oo labaduba ka wada tirsan kooxda As Roma.
Ugu dambeyntii Vidal wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan kooxda Juventus ee dalka talyaaniga, waana xidigaha safka hore ee macalin Allegri.