Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Roma Oo Dadaal Xoogan Ugu Jirto Helitaanka Daafaca Chelsea Iska Fasixi Doonto Filipe Luis.

Kooxda Roma Oo Dadaal Xoogan Ugu Jirto Helitaanka Daafaca Chelsea Iska Fasixi Doonto Filipe Luis.


Filipe Luis.

Naadiga Roma ayaa si toos ah ula xariirtay dhigeeda Chelsea waxayna kala hadashay qaabkii looga iibin lahaa Filipe Luis.

Daafaca reer Brazil ee garabka bidix ka cayaaro wuxuu ka mid yahay xidigaha Chelsea iska fasixi doonto xagaagan inkastoo uu mudo 12-bilood ah ku sugan yahay Stamford Bridge.

Wargeska El Mundo Deportivo ayaa sheegay inkastoo Filipe Luis uu Chelsea ku fashimay hadana xidigan inuu dalabyo aad u sareeyo ka heesto qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.

Kooxda Roma waxay loolan culus kala kulmi doontaa naadiga Atletico Madrid oo iyadana dooneyso inay xidigan dib u ceshato halka sidoo kale AC Milan iyadana qal qaalo ugu jirto qaabkii ay ku heli laheyd xidigan waaya araga ah.

Chelsea waxay ku dooneysaa Felipe Luis £14 million waxayna ka iibin doontaa naadigii qiimahaas la timaado.

Balse Roma ayaa ku kalsoon inay £12m xidigan ku heli karto hadii lasii amba qaado wada hadalada ay haatan Chelsea la wado.

Felipe Luis isagana kama hadlin mustaqbalkiisa cayaareed inkastoo la sadaalinaayo xidigan hadii uu Chelsea ka tagaayo inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore Atletico Madrid.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>