Kooxaha horyaalka England ayaa walaac weyn ka muujiyeen xagaagan tartanka Copa America ee haatan ka socdo dalka Brazil.
Horyaalka England wuxuu bilaaban doonaa todobaadka labaad ee bisha August balse ku dhawaad 18-laacib oo ka cayaarto horyaalkan ayaa ka qayb qaateen tartanka Copa America.
Waxaana la sadaalinaa kulamada furitaanka inay seegaan dhamaan xidigahaas madaama ay nasiino u baahnaan doonaan.
Kooxda Arsenal ayaa walaaca ugu weyn qabto madaama xidigeeda Alexis Sanchez uu kulan walbo tartankan cayaaray sidoo kalena haatan xulkiisa Chile uu lasoo gaaray kama dambeesta tartankan taasina waxay ka dhigan tahay in nasiino dheeri ah uu u baahnaan doono.
Man City iyadana waxay il gaar ah ku heysaa xaalada ay ku sugan yihiin Pablo Zabaleta, Sergio Aguero iyo Martin Demichelis oo Finalaha tartankan soo gaareen sidoo kalena Fernandinho isagana si joogto ah ayuu xulka Brazil ugu cayaaray tartankan.
Chelsea iyadana afar cayaaryahan ayay ka walaacsan tahay inay daal badan dareemi doonaan Willian, Filipe Luis, Juan Cuadrado iyo Radamel Falcao oo la filaayo inuu Blues heshiis la gaaro.
Liverpool iyadana saxiixeeda cusub Roberto Firmino inuu EPL la qabsan waayo ayay ka casbi qabaan iyo in Coutinho uu daal badan dareemo.
Naadiga Man United iyadana kuma tashan doonto kulanka ay Tottenham wajihi doonto furitaanka horyaalka inay u cayaaraan Angel Di Maria iyo Marcos Rojo.
Xidigaha kale ee EPL ka xamaashaan kuwaa soo Copa America ka qayb qaateen sidoo kalena seegi doonaan kulamada furitaanka EPL waxay kala yyihiin:
Arsenal – Alexis Sanchez, David Ospina
Man City – Pablo Zabaleta, Sergio Aguero, Martin Demichelis, Fernandinho
Chelsea – Radamel Falcao, Juan Cuadrado, Willian, Filipe Luis
Liverpool – Roberto Firmino, Philippe Coutinho
Man United – Angel Di Maria, Marcos Rojo
Swansea – Jefferson Montero
West Ham – Enner Valencia
Aston Villa – Carlos Sanchez
Tottenham – Erik Lamel