Roberto Firmino ayaa noqday saxiixa labaad ee ebid ugu qaalisan kooxda Liverpool waxaana kaliya ka sareeeya Andy Carroll oo 35 Malyan oo Pound ku yimid Anfield Road, sidoo kalana James Milner oo xagaagan si xor ah kaga soo biiraya Manchester City ayaa isna ka mid ah xidigaha Reds ay xagaaga soo aadan kusoo shirtageyso.
Wiilkaan reer Brazil kaas oo 29 Malyan Oo Pound ku yimid Anfield ayaa kooxdiisa weydiistay in loo xiro numberka 11-aad kaas oo ah numberka uu u xirto dalkiisa Brazil.
Kadib markii uu xidigaan si lama filaan ah ugu soo biiray Liverpool Roberto Firmino waxaa la saadalinayay inuu xiran doono numberka 7-aad oo ay caanka ku ahaayeen Kenny Dalglish, Kevin Kegan iyo Luis Suarez, balse waxaa lagu sharfay James Milner kaas oo 1-da July si rasmi ah xidig Liverpool u noqonaya.
Si kastaba James Milner wuxuu xiran doonaa numberkii uu ka watay kooxda Manchester City ee 7, waana mid ka mid ah ciyaartoyda ugu dhaq-dhaqaaqa badan horyaalka.