Kooxda Stoke City ayaa shaaca ka qaaday inay saxiixa kubad qaabeeyaha xulka Switzerland Xherdan Shaqiri ku guuleesatay.
Xidigan tayada wanaagsan ayaa lagu wadaa inuu garoonka Britania soo gaaro si uu tijaabo caafimaad u maro madaama kooxdiisa Inter Milan ay aqbashay dalab lacageed oo lagu sheegay £12m.
Macalinka kooxda Stoke City Mark Hughes ayaa sheegay inuu Shaqiri ku raad joogan markii uu naadiga Bayern Munich ka tirsanaa balse ay haatan u suura gashay inuu gacanta kusoo dhigo xidigan gaabinta badan.
Shaqiri ayaa bilawgii sanadkan kooxda Inter Milan kaga soo biiray naadiga Bayern Munich balse xidigan awooda badan wuxuu ku guul dareestay inuu Serie A-da la qabsado sidoo kalena Inter ka caawiyo inay safka hore ee horyaalka Talyaaniga ku dhameesato.
Sidaa darteed macalinka Inter Milan Roberto Mancini ayaa dhawaan si rasmi ah u sheegay in Shaqiri uu kooxdiisa beec ka yahay sidoo kalena laga iibin doono naadigii la timaado qiimo macquul ah.
23-jirkan ayaa noqon doono cayaaryahankii ugu qaalisnaa oo ay Stoke City soo iibsato wuxuuna jebin doona rikoorkii Petr Crouch oo ay sanadii 2011 kooxda Tottenham kaga soo iibsatay £10m.